Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wararka naga soo gaaraya degaanka Macaani ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu halkaas ku dilay wiil Mooto Bajaaj ku shaqeysanayay.
Askariga dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay C/Qaadir Ibraahim Caddow,waxaana uu dilay Bajaajle lagu magacaabi jiray Carab Siidoow.
Dilka ayaa dhashay kaddib markii Askariga uu Bajaajlaha ka codsaday in uu qaado, hayeeshee uu Bajaajlaha diiday.
Askariga oo diidmada wiilka Bajaajlaha ah ka carooday ayaa rasaas ku furay wiilka sidaas ayuuna ku dhintay Carab Siidoow.
C/Qaadir Ibraahim Caddow oo ah Askariga dilka geystay ayaa la sheegayaa in uu Aabbihiis Ibaraahim Caddow horay u dhaawacay haddana Guri joog yahay isaga oo lugaha ka jajaban.
Askariga oo si weyn looga yaqaanno degaankaas ayaa Goobjoogayaal u sheegeen in Mustaqbal Radio, in uu Canshuurta ka qaadi jiray dukaamada degaanka, dilka kaddibna uu ka baxsaday halkii uu ku dilay Bajaajlaha.
