Dowladda Uganda oo xirtay Sarkaal lagu eedeyay khalkhalin amni
Shir ay yeesheen baarlamaannada Carabta ayaa lagu meelmariyay qaraar lagu diidan yahay faragalinta ay Israa’iil ku heyso arrimaha Soomaaliya gaar ahaan aqoonsiga ay sheegtay in ay siisay gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Qaraarka Baarlamaanka carabta ayaa laga soo saarey shirka sideedaad ee Baarlamaanka Carabta oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Ka qaybgalayaasha shirka ayaa isku raacay in la ilaaliyo Midnimada iyo Madaxbannaanida Bulshada Carabta oo ay ku jirto Soomaaliya, isla markaasna la qaado tillaabo kasta oo lagu difaaci karo.
Shirka ayaa meelmariyay go’aan baarlamaan oo Carbeed oo ku saabsan ka hortaggasiyaasadaha Israa’iil ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo qaddiyadda Falastiin.
Sidoo kale, shirka ayaa meelmariyay go’aan kale oo lagu diiddan yahay laguna canbaaraynayo weerarrada Israa’iil ee Lubnaan iyo Suuriya.
Baarlamaanka Carabta ayaa ka kooban wakiillo ka socda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Go’aannada shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad ka dhalatay aqoonsigii ay Israa’iil bishii Diseembar 2025 sheegtay in ay siisay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Mustaqbal
