Dowladda Uganda oo xirtay Sarkaal lagu eedeyay khalkhalin amni
Dowladda Uganda ayaa xirtay Peter Elwelu oo hore u soo noqday taliye ku-xigeenkii Ciidanka Difaaca dalkaas, sidoo kalena ahaa la-taliyaha madaxweynaha, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal lagu doonayay in lagu khalkhalgeliyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Afhayeenka ku-meelgaarka ah ee milatariga Uganda, Chris Magezi, ayaa sheegay in Elwelu la xiray xalay, isla markaana la horgeyn doono maxkamad si loogu soo oogo eedeymaha loo haysto.
Xariggiisa ayaa yimid maalmo kaddib markii taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Muhoozi Kainerugaba, uu shaaciyay in Elwelu laga qaaday darajadii sare ee Gaashaanle Sare (Lieutenant General), laguna beddelay darajada askari caadi ah (Private).
Elwelu ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.
Peter Elwelu ayaa caan noqday sannadkii 2016-kii, kaddib markii uu hoggaamiyay howlgal milatari oo dhiig badan ku daatay, kaas oo lagu qaaday qasriga boqor dhaqameed ka tirsan gobollada Uganda, kaas oo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay dhaqdhaqaaq gooni-u-goosad ah. Howlgalkaas kaddib waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka dhulka.
Markii dambe wuxuu noqday taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, kahor inta aan loo magacaabin la-taliyaha madaxweynaha.
Bishii May 2024, dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Elwelu, iyadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal sharci-darro ah oo ay geysteen ciidamada dowladda.
Wuxuu milatariga ka fariistay bishii Agoosto 2025.
Mustaqbal
