Jaamacadda Carabta oo xadgub aan loo dulqaadan karin ku tilmaamtay Ergayga Israa’iil ay u dirsatay Waqooyi Galbeed Soomaaliya

War kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu cambaareeyay faragalinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya kaddib markii ay Ergay usoo magacaabatay Maamulka Waqooyi Galbeed taasi oo dhalisay falcelin ka dhan ah Xukuumadda Tel Aviv.

Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqday in meel looga soo wada jaysto faragalinta Yuhuudda ay ku hayso Soomaaliya iyada oo doonaysa in ay kala qaybiyo Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Carabta ayaa Caalamka intiisa kale ugu baaqday in ay meel fog ka istaagaan tallaabooyinka is xigxiga ee xadgudubka ku ah Soomaaliya oo ay qaadayso Israa’iil kuwaas oo ka dhan ah axdiga Qaramada Midoobay iyo heshiisyada kale ee caalamiga ah sida hadalka loo dhigay.

Israa’iil ayaa shalay Safiir usoo magacawday Maamulka Waqooyi Galbeed, waxaa ka horreeyay faragalin toos ah oo soo billaabatay 25kii December sannadkii 2025, waxaa xigay tallaabooyin kale sida Wasiirka Arrimaha dibadda Yuhuudda oo tagay Hargaysa, Cirro oo lagu soo dhaweeyay Qudus iyo kuwo kale.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Rajnath Singh “Ciidankeenna waxa ay ku guullaysteen in ay Burcad Badeed ka badbaadiyaan 20 badmaaxe”

Read Next

Uganda oo billowday in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya