Shiinaha oo Maraykanka ka dalbaday in uu ka raalligeliyo eedihii uu u jeediyay ee la xiriira Covid-19

Maxkamad ku taalla Magaalada Wuhan oo ah bartii uu kasoo billowday Cudurka Aafada ku noqday Dunida ee Covid-19 ayaa Gobolka Missouri ee Maraykanka ka dalbatay in ay raalligelin ka bixiyo eedihii ka dhanka ah magaaladaas ee la xiriiray cudurka Coronavirus.

Maamulka Wuhan ayaa sheegay in dhiggooda Mossuri uu sumcad dil iyo marin habaabin ku sameeyay, waxaana uu ka dalbaday in raalligelin toos ah ka siiyo eedahaas loo jeediyay si meesha looga saaro been abuurka laga faafiyay sida hadalka loo dhigo.

Sidoo kale Magaalada Wuhan waxa ay Mossuri hordhigtay in uu magdhow lacageed ka siiyo maadaama eedihii uga yimid ay hoos u dhigeen dhaqaalaha iyo fursadaha kale ee dhankooda ka heli jireen dunida inteeda kale.

Ma jiro war kasoo baxay maamulka Mossuri ee Dalka Maraykanka oo laga sugayo jawaab la xiriirta soo jeedinta uga timid Maxkamadda Wuhan ee Shiinaha iyo lacagaha magdhow ah ee laga doonayo.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Galmudug ka billaabay howlgallo ka dhan ah AS

Read Next

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cumaan