Taliyaha Militeriga Soomaaliya oo kormeeray Saldhiga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Guud, ayaa maanta gaarey Saldhiga Balidoogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose.

Kormeerka Dugsiga Tababarka iyo Cutubyada Danab Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu booqasho ku tegay Dugsiga Tababarka ee G/le Xasan Tuure, halkaas oo ay tababar adag ku qaadanayaan dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa warbixinno ka dhegeystay macallimiinta iyo saraakiisha dugsiga, isagoo u kuur-galay diyaargarowga cutubyadan cusub ee dhowaan ku biiri doona safka hore ee dagaalka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa kormeeray xeryaha Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka iyo cutubyada gaarka ah ee Danab, isagoo mid mid u xog-wareystay geesiyaasha qaranka ee halkaas ku sugan.

Dallacaadda Saraakiisha iyo Dhiirrigelinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo iyo bogaadin gaarsiiyey saraakiisha ka tirsan Kumaandooska Danab oo uu dhawaan dallacsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Taliyaha ayaa xusay in dallacaaddani ay tahay mid loogu aqoonsanayo dadnimada, kartida iyo geesinimada ay muujiyeen intii ay ku jireen gudashada waajibaadka qaran.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Burkina Faso oo xiriirka u jartay dalka Faransiiska

Read Next

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo qaraar ka soo saarey Midnimada Soomaaliya