Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug Garabka ku sugan Magaalada Cadaado ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Maanta ay dooranayaan Madaxweynaha Galmudug.
Waxa ay horay u sheegeen in ay Xilka ugu qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana kasii horreeyay Mooshinno ay xilka isaga kala qaadeen Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeenkiisa.
Labo Musharax oo Midkood waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maamulkii Galmudug ee Gaalkacyo degenaa, kahor inta aan Magaca Galmudug lagu mideyn Xubnihii Gaalkacyo joogay, Ahlu Sunna iyo Ximin iyo Xeeb.
Maanta ayaa la dhageysnayaa Khudbadaha Labada Musharax, waxaana xigi doono Doorashada oo lagu kala saari doono Labada Musharax sida Mustaqbal ay u sheegeen Xildhibaano.
Axmed Baasto ayaa ku heyb ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna Maalmihii lasoo dhaafay waday Ol-ole uu ku doonayo in uu Xilkaan ku guuleysto.
Doorashadaan hadii ay qabsoonto, Maamulka Galmudug ayaa noqon doono maamul leh Labo Madaxweyne iyo Labo Gudoomiye Baarlamaan.
La soco wixii kasoo kordha.
