Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka Spain Cesar Azpilicueta oo ugu dambeyn mustaqbalkiisa oo dhan u hibeeyay kooxdiisa Chelsea.
Azpilicueta ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah kaas oo Stamford Bridge ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2022.
Cesar Azpilicueta Ayaa kabtan u ahaa kooxda chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya 2 kulan u jira in uu kooxda chelsea u safto kulankiisii 300-aad ee tartamada oo dhan.
Azpilicueta ayaa noqon doona xiddigii 7-aad ee rikoorkaas gaara ee aan u dhalan dalka England isaga oo sidoo kale noqday xiddigii 2-aad ee heshiis cusub qalinka ugu duuga kooxda todobaadyo kadib markii uu N’Golo Kante qalinka ku duugay heshiis cusub.
Heshiiska cusub ee uu Cesar saxiixay ayaa la macno ah in uu kooxda chelsea sii joogo 10 xilli ciyaareed hadii uu dhamaysto 4-ta sano ee soo socota ee uu heshiiska saxiixay.
Xiddigan ayaa kooxda chelsea ku soo biiray xagaagii 2012 isaga oo kooxda kula guulaystay Champions League,Europa League, Premier leagu iyo waliba FA Cup iyo League Cup.
