Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka gudoomay Shirkada Human resource management consultancy expertise services, natiijada imtaxaanaadka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Jubaland.
Kulan kooban oo ka dhacay Madaxtooyada ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay shirkadan qaaday imtaxaanka shaqada Wanaagsan ee ay qabatay iyadoo ay goob joog ahayeen madaxda guddiga shaqada iyo shaqaalaha Jubaland iyo qaar kamid ah golaha wasiirada.
Madaxweynaha ayaa sheegay “in sababta shirkad gaar loo leeyahay ay howshan ugu xilsaareen ay tahay in laga fogaado musuq iyo eex si loo helo dad tayo leh oo u qalma hogaaminta wasaaradaha Dowlada”.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa sheegay in qof walba oo kasoo gudba imtaxaanka uu xaq u leeyahay in lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa taasna ay saldhig u tahay shaqooyinka muhiimka ah ee Dowlada Gobaleedka Galmudug inay hogaamiyaan dad kasoo bixi kara.
Mustaqbal
