Axmed Madoobe oo damacsan Doorasho Dadban in uu qabsado & XFS oo kahor timid

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa damacsan in uu qabsado Doorasho Dadban, waxa uu xalay waqti dambe soosaaray Guddi ka shaqeynaya Xuduudaha iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Halkaan ka aqriso qoraalka Axmed Madoobe uu ku magacaabay Guddigaas:

May be an image of ticket stub and text

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kahor timid maadaama ay sheegtay in la dhaqangelinayo Doorashada Dadweyne ee horay u ansixyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu qayb ka ahaa madaxda in muddo ah ka shaqeyneysay qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah si meesha looga saaro mid dadban oo in muddo ah Dowladda lagu soo dhisayay.

Halkaan ka aqriso warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:

May be an image of text

May be an image of text

May be an image of text

May be an image of text

Axmed Madoobe ayaa bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar isaga baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, waxa uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, waxa uu ku dooday in haddii Dalka uu aadayo Doorasho qof & cod ah in madasha la keeno Madaxweynaha DG Puntland Siciid Deni.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maxay tahay eedda ay Dowlad goboleedka Jubbaland u soo jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya?

Read Next

Caamir Muusa “Israa’iil waxa ay damacsan tahay in ay qabsato qayb kamid ah Masar & Sacuudiga”