Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa lagu qabtay doorashada duqa degmadaas,waxaana doorashada kursiga duqa degmada ku tartamayay labo xubnood oo kala ah; Axmed Barre Siciid iyo Maxamed Abshir Jaamac.
Golaha degaanka ee Garowe oo dhawaan la soo xulay ayaa ka kooban 27 xubnood,waxaana 18 ka mid ah ay codka siiyeen Axmed Barre Siciid Muuse halka Maxamed Abshir Jaamac uu helay 8 cod oo kaliya.
Doorashada ka dhacday Garowe,waxaa ka qeybgelayay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Puntland sida wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose,ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland.
