Maxkamadda Derejada koobaad ee Ciidan Xoogda ayaa Maanta Labada eedeysane oo horay ugu tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ridday xukunno kala duwan oo kala ah dil iyo Xabsi.
Eedeysanayaasha kala ah, Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigalle ,ayaa loo heystaa in ay toogteen, Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed , oo si wada jir ah ugu safrayay Wadddada Afgooye, 25-kii Septembar, Sanaddii 2018 sida ay sheegtay Maxkamada Darajada 1 aad.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koobaad ee Ciidanka qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda ay quseyso in Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, laguna xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta , Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed, halka Dable Xoogga ,Maxamed Caddaan Cigale lagu xukumay Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkada sarre ayaa sheegay in ay fursad kale haystaan oo ay ku dalban karaan rafcaan haddii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda Darejada Koowaad.
