“Areer Bariiska waa lawada cunayey! gaajana waa I haysay”!

Sawirka Radio Ergo-2011

Laba wiil oo Carruur ah oo dagaalaya ayaan u imid, waa jid dhexdiis, koox kale oo ay caseeyayaal isla yihiin ayaa isku caraadineysa, Iska dhici, dhulka dhigo, madaxa ku dhufo iyo ma inta bariiskaagii cunay ayuu haddana iska tegi karaa, dadka marayaa jidku dan iyo heelo kama laha, calaladii ay siteen oo markoodii horaba dhammaad ahaa waa iska sii jeexjeexeen.

Gasaca caana-boorada waxa ka buuxa cunto kala duwan oo Lufluf ah, taas oo maqaayad laga soo siiyey ayay iyaga oo koox ah  qaybsadeen, mid xoogaa ka baaxuursan oo aan kamid ahayn ayaa gacanta la gashaday kana boobay Luflufkii, marka isagii ayay u wada arkeen in uu yahay dool oo ay tahay in la tumo.

Waa u imid aniga oo aan midkoodna taaban ayay is daayeen oo I soo wada fiiriyeen, qorrax ayay ahayde meel hoos gaaban ah ayaan u fariistay, waa i soo raaceen, kuwii isku dirayayna waa yimaadeen, calashaan garsoore xalka haya oo uga duwan dadkii iska gudbayay intii ay is dilayeen.

Haye maxaad isku haysataan ayaan iri?
Mid kastaa dooddiisii ayuu billaabay, kalaba sugi maayaan, “Bariis aan maqaayaddaas ka soo qaatay ayuu iga cunay waana I caayey”!

“Areer Bariiska waa lawada cunayey! gaajana waa i haysay dhankeyga ayaan ka cunay! Kii kalaa yiri!

Aad ayaan u murugooday aniga oo og duruuftaasi jirto ayaan haddana u naxay sida in aanan xaalkaas ogeyn!

Kii ku doodayey in laga cunay bariiskiisii lagana boobay ayaan iri: Hadda maxaad rabtaa bariiskii waa la cunay ninkaanuna ma diiddana taase?

In uu bariiskii ii soo gudo, wax kale ma rabo, anigaba baahi ayaa I haysa?

Kii kale ayaan iri: Haye maxaad ka leedahay?
Labadaas kun ayaan haystaa ayuu yiri, inta kor u taagay.

Meel cunto lagu kariyo ayaan geeyey kii I yiri Bariiskii ha la ii gudo, koombada ha loo buuxiyana waa u raacshay, intaas markuu maqlay ayuu afka gacanta saaray oo xishooday koombadiina inta cuntadii loogu shubay ayuu orod is taabtay.

Ilmahaas sidii xayawaan gaajeysay ku diriraya wax ay cunnaan sabab la’aan ma aha, ee qof walba oo xil hayaa ha ogaado xisaab la’aan jannada la geli maayo, Naartana iskaba daa.

Cumar Bin Alkhaddaab ayaa iska Baroortay maalin, markii la weydiiyey sababta iyo dhibka haysta ayuu yiri : Haddii Baqal ku ku kufto Ciraaq waxa Rabbi I weydiinayaa Cumarow Jidka maxaad ugu hagaajin weysay?

لو عثرت بغلة في العراق لسألني الله تعالى عنها
: لِمَ لم تمهد لها الطريق يا عمر!

 Axmed C. Guutaale

General Editor

Read Previous

Mogadishu’s Suuq Boocle Market is closed today for Tax Rift

Read Next

Burundi: Nin Imtixaan ku matalayay  Askari AMISOM ka tirsan oo la xiray.