Aqriso:- Magacyada Musharixiinta isku diiwaangelisay Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku dhawaaqay in 21 murashax ay isku diiwaangeliyeen in ay u tartamaan Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in 11 murashax ay buuxiyeen shuruudaha ayna u diiwaangeliyeen Madaxweyne ku xigeen Puntland.

Waqtiga Guddiga ay u qabteen in ay isku diiwaangeliyaan Musharixiinta ayaa ku ekeed 4:00pm Galabta, waxa ay Musharixiinta diiwaangelintooda ay bilaabatay shalay 2:00PM.

Berri waxaa la dhageysanaaa Khudbadaha Musharixiinta si ay Xildhibaanada ugu gudbiyaan fariimaha ay isleeyihiin in ay codka kaga helaan.

Halkaan ka aqriso Warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashada iyo Magacyada Musharixiinta.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

 

Mustaqbal media

Read Previous

Xildhibaan Odawaa: Dowladda dhexe kaalmadii dhaqaale waa ka goosatay Galmudug!

Read Next

Madaxweyne Waare oo Kormeeray Dekedii Ceel Cade iyo Garoonka Cisaley.