MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Ajendaha Kulanka maanta ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.
Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.
Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.
Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani, Waxaa Ogaalada 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.
Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Sen Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
