Aqalka Sare oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa  shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Kualnka ayaa ajandahiisu ahaa akhrinta kowaad ee afar hindise sharciyeed, kuwaas oo kala ahaa:   ee hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda, ee hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.

Sidoo kale, Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska iyo Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay hindise sharciyeedyada cusub oo wax-ka-beddel lagu sameeyey, isagoo tilmaamay muhiimada ay u leeyihiin dowlad dhiska iyo awood siinta hay’addaha maaliyadda.

Sharciyadaaan ayaa la filaayaa in ay wax ka baddal ku sameyn doonaan hay’adaha ay hoos tagaan iyo si guud bulshada Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa sababay khilaafkii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee BFS?

Read Next

Waa kuma L/xidigle Ismaaciil Ciise Tuuryare oo ku geeriyooday dagaalkii Aadan Yabaal?