Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay geerida Alle ha u naxariistee Taliye Ismaaciil Tuuryare, oo ahaa Taliyaha Ururka 87aad ee Guutada 77aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo dhowaan ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
AS ayaa maalmo kahor weerar qorsheysan ku qaaday degmada Aadan Yabaal, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Intii uu dagaalku socday ayaa Taliye Tuuryare ku dhintay isagoo hoggaaminaya ciidamadiisa, islamarkaana dagaalka ugu jira sidii AS looga saari lahaa gobolka.
Geerida Taliye Ismaaciil Tuuryare waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle.
Sidoo kale, Ibraahim Cumar Mahad-Alle wuxuu sheegay in Taliyaha uu u tagay Aadan Yabaal si uu uga qeyb qaato xorreynta deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo qorshuhu ahaa in kadib loo sii gudbo magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa si weyn baraha bulshada loogu hadal hayay geerida Taliye Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha firfircoon ee Ciidanka Xoogga dalka.
Mustaqbal
