Antonio Valencia Oo Laga Yaabo Inuu Ka Tago Manchester United Isbuuca soo aadan.

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u ogolaatay kabtankeda Antonio Valencia inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Newcastle ayaa durba dalab kasoo gudbisay daafaca kooxda United iyadoona dooneysa in ay la wareegto inta uu furanyahay suuqa.

34jirkaan ayaa waqti qurux badan kuso qaatay kooxda United waxaana uu go’aansaday in uu kooxda ka hayaamo xagaagan.

Wargeyska The Sun ayaa ku waramaya in kooxaha Newcaster iyo Fulham ay loo lamayaan saxiixa cabtanka kooxda United ee Valencia.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Arsenal Oo Amaah Ku dooneysa laacib Barcelona u ciyaara, Waa kee?

Read Next

Ciidanka Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Nin Askari toogtay