Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay xubin ka mid ah AL-shbaaab kaas oo Miino ku aasayay Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in Ninkaasi lagu qabtay waddo ay aad u adeegsadaan Ciidamada AMISOM islamarkaana sahayda u marto.
Waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dhacay waddada gasha degaanka Balad Amiin ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Taliska AMISOM ayaa sheegay in howlgalka oo Talaadadii dhacay ay Ninkaasi kula qabteen 6 ka mid ah Fiilooyinka qaraxyada loo adeegsado.
Qalabkii uu wax ku qarxin lahaa ayey sheegene in ay ku wareejiyeen Hay’adaha amniga Soomaaliya Ninkana ay baaris ku socoto.
