AMISOM oo Maamulka Hir-Shabeelle u tababareysa 200 Booliis.

Dhalinyarada loo tababarayo in ay ku biiraan Booliiska Hir-Shabeelle

Dhalinyaradaan loo tababarayo in ay kamid noqdaan Booliiska Hir-Shabeelle ayaa la kala keenay deegaanada Maamulkaasi.

Dhalinyarada loo xareeyay tababarka

Tababarka waxaa bixinaya macalimiin isugu jirta Soomaali oo kamid ah Booliiska iyo kuwo katirsan howlgalka AMISOM Booliis ee soomaaliya ka socda.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay John Hamweene oo ah madaxa Tababarada AMISOM Booliis, waxa uu sheegay in dhalinyarada laga doonayo in ay kaalintooda ka qaataan howlaha lagu sagayo amniga dalka.

Dhalinyarada loo tababarayo in ay ku biiraan Booliiska AMISOM

Waxa uu ka dalbaday in ay ka faaiideystaan fursadda ay heystaan, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan sugidda amniga tababarkooda kadib.

“Mudada uu qaadanayo tababarkaan waa 3-bilood oo maanta ka bilaabaneysa, waa in aad maankiina ku heysaan in la idinka doonayo u adeegidda dadka Hir-shabeelle, marka aad dhameysataan tababarkan waxa aad la wareegi doontaan sugidda amniga si aad ugu hor tagtaan Al-Shabaab iyo wax waliba oo caqabad ah, waana in aad u adeegtaan hab waafaqsan shuruucda caalamka” ayuu yiri John Hamweene oo ah Madaxa Tababarada AMISOM Booliis.

John Hamweene oo ah madaxa Tababarada AMISOM Booliis

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhankiisa sheegay in dhalinayrada tababarka loo xareeyay laga doonayo in ay u adeegaan dadkooda, sidaas awgeed waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in tababarka ay qaataan ay ugu adeegaan shacabka.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle iyo saraakiil katirsan AMISOM Booliis

AMISOM Booliis ayaa maamul goboleedyada ka taageera tababarada Ciidamada Booliiska, iyaga oo dhanka kale kala shaqeeya howlgalada qaar.

Saraakiisha AMISOM Booliis, kuwa Soomaaliya iyo Dhalinyarada la tababarayo

Web master

Read Previous

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Mas’uuliyiinta Ammaanka.

Read Next

Nin lagu tuhmayo Gabar lagu dilay Gaalkacyo oo la qabtay.