Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu furayo deegaano ay go’doomiyeen Xarakada Al-Shabaab.
Barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu Daacabay Qoraal ay ku sheegeen in Ciidamadooda ay qaadayaan Howlgal lagu furayo Waddooyinka isku xira Baladweyne iyo Jalalaqsi oo Hiiraan Katirsan.
Dhaq-dhaqaaqa howlgalkaas ayay sheegeen in uu maalmihii laso dhaafay socday, Ciidamadane ay ku dhaqaaqayaan dhaqan gelinta Qorshahaan.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka taagan tahay wadadaasi, howlgalladana ay rajeynayaan in wax uu ka badalo amniga guud ee Gobolka Hiiraan.
“Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay qaadayaan howlgal wada jir ah oo lagu doonayo dhaq dhaqaaqa xoriyadda wadooyinka, ciidamada waxay furayaan waddooyinka ugu muhiimsan ee isku xira Baladweyne iyo Jalalaqsi”. ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Twitterka AMISOM.
Bilowgii Todobaadkaan Deegaano dhowr ah Gobolka Hiiraan dhaca waxaa Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka waday Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo ku howlgalka Magaca AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo la shaqeeyo.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Bartamihii Todobaadkaan Sheegay in qorshaha Ciidan ee Socdo uu yahay in la isku furo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baladweyne oo aan Muddo fog Gaadiidka Dowladda isku marin.
