Alonso: “Eden Hazard aad ayuu ugu faraxsan yahay Chelsea”

Daafaca Chelsea Marcos Alonso ayaa ku adkeysanaya in Eden Hazard iyo qoyskiisa ay aad u fiican yihiin London, xili ay soo baxayeey warar sheegaya inuu ku iirayo Real Madrid.

Hazard  ayaa ka caawiyay Belgium inay gaarto semi-finalka Koobka Adduunka 2018 wuxuuna ka mid ahaa xidigihii bandhiga cawan ka sameeyay.

Marcos Alonso oo ka hadlay xaalada xidigan ayaa yiri”

“Ma aanan arag Hazard ku biiraya Madrid, aad ayaan ugu faraxsanahay Chelsea” ayuu Alonso u sheegay Marca. “Ma ogi haddii uu jiro xiiso, laakiin Hazard iyo qoyskiisuba aad ayay u fiican yihiin London meelna uguma socdaan Chelsea ayuu yiri Alonso”.

Hazard ayaa Chelsea u dhaliyay 91 gool  isagoona u saftay 304 kulan tan iyo markii uu ka yimid kooxda Lille xagaagii 2012,

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Tottenham Hotspur oo qarka u saaran inay qandaraaska u kordhiso Jan Vertonghen.

Read Next

Wind of change in Horn of Africa opens Somalia for business