Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in tiro ka mid ah Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku jira Howlgalka AMISOM ay ku dhinteen dagaal dhexmaray labada dhinac.
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Jabuuti ee Degmada Jalalqsi uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Waxaa ay sheegeen in 13 ka mid ah Ciidamada Dowladda Jabuuti ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka ka dhacay Jalaqsi.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale weeraray Saldhigga Ciidanka Jabuuti ee Jalalaqsi iyaga oo sidoo kale miinooyin geliyay waddooyinka muhiimka ah ee gala degmadaas.
Dhinaca dowladda Jabuuti iyo Howlgalka AMISOM midkoodna kama hadlin sheegashada AL-shabaab ee ku saabsan khasaaraha dagaalka ka dhashay Jalalaqsi.
