Al-shabab oo isaga baxay Degmada Balcad

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa isaga baxay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo qeyb ka mid ah ay xalay saqdii dhaxe  qabsadeen.

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Balcad ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Al-shabaab ay saaka 4:00AM isaga baxeen qeybta galbeed ee ay xalay ka qabsadeen Magaalada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay dhinaca galbeed ee Degmada Balcad oo ay xalay qabsatay Al-shabaab.

Markii ay Al-shabaab qabsadeen degmada waxaa ay dab qabadsiiyeen Saldhigga Degmada iyaga oo sii daayay Maxaabiis ku xirneyd.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan Degmada Balcad ayaan wali ka hadlin weerarkii xalay AL-shabaab ku qabsadeen degmadaasi kaddibna isaga baxeen.

Ciidamada AMISOM ayaa duqeeyay qeyb ka mid ah Magaalada intii ay AL-shbaaab wadeen dagaalka ay ku qabsanayeen Xaafadaha waqooyi galbeed ee Degmadaasi.

Majiro ilaa hadda khasaare nafeed oo la xaqiijiyay maaddaama dadka aysan wali toosin iyada oo wararka qaar ay sheegayaan dhaawacyo ka dhashay dagaalka.

La soco wiixii ku soo kordha.

Web master

Read Previous

RW Kheyre: “Majiro Askari diiwaangashan oo uu mushaar ka maqanyahay”

Read Next

Ciidanka Kenya oo ka baxay Saldhig ay ku lahaayeen Gobolka Gedo