Al shabaab oo sheegtay in ay dib ula wareegay deegaanka Toora-Toorow.

Al-Shabaab ayaa  Saaka dib ula wareegay deegaanka Tooratoorow oo ahaa saldhiggooda ugu weynaa ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaddib markii ay xalay fiidkii isaga baxeen Ciidankii Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, saacado un kaddib markii Ciidanka Danab ay isaga soo baxeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in xeelad dagaal uga baxeen deegaanka, waxaana ay sheegeen in howlgalka markii hore lagu galay uu qorshihiisa ahaa in lagu soo qabto xubno bartilmaameed ahaa.

Wararka laga helayo deegaanka Tooratoorow ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku adkeyanyaan difaaca deegaanka.

Sidoo kale dadka shacab ah ee Xalay ilaa shalay ka barakacay deegaanka Toora-Toorow ayaa dib bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan ka dib markii Al shabaab la wareegeen deegaanka.

Al-Shabaab ayaa Tooratoorow u aheyd deegaan istiraatiiji ah oo ay ku yaallaan Maxkamad iyo goob ay ku qaadaan lacagaha canshuuraha iyo zakawaatka loo yaqaano

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore isaga soo baxay deegaanka Tooratoorow, kaddib markii ay la wareegeen, waxaana deegaankan uu ahaa mid jahwareer uu ka taagnaa maamulkiisa oo tiro dhowr jeer uu gacmo kala duwan uu galay.

News Editor

Read Previous

Kenya:- Dhaqaatiirtii Cuba u dhalatay waa ay nabadqanaan waana soo furanaynaa

Read Next

Daagaal u dhexeeya maleeshiyaad hubaysan oo ka socda Gobolka Galgaduud.