Al-Bashiir: ” Facebook iyo WhatsApp dowlad lagama ridi karo”

Madaxweynaha Dalka Suudaan oo u jawaabayay bannaanbaxayaasha isaga diiddan ayaa u sheegay in dowladdiisa aan lagu ridi karin kacdoonnada laga abaabulayo baraha bulshada.

Mr Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka doonaya isbeddelka dhinaca dowladda ee Suudaan ay tahay in ay maraan sida uu qabo sharciga dalka una hoggaansamaan dastuurka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan kuwo Baraha Bulshada sida Facebook iyo WhatsApp ka abaabulaya kacdoonka isaga ka dhanka ah ee ka socda dalkaas.

Goor sii horreysay oo maanta ah Milatariga dalkaas ayaa sheegay in ay daacad u yihiin dowladda hadda jirta aysanna oggolaaneyn in ay dhacdo.

Dalka Suudaan waxaa ka socda dibadbaxyo ka dhashay qiimaha cuntada oo sare u kacay,waxaana fursad ka dhex arkay dadka mucaaridka ku ah Al-Bashiir oo ka faa’ideysanaya.

Mustaqbal media

Read Previous

Al-shabaab oo sheegatay in 10 ka mid ah ciidanka dowladda ku dishay Sh.hoose

Read Next

Axmed Madoobe oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiirada Jubbaland.