Afhayeenka ONLF oo la kulmay Ra’isalwasaarihii hore ee Itoobiya,Sawirro

Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa Magaalada Adis ababa kula kulmay Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

https://pbs.twimg.com/media/

Kulanka labada Nin ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo dhexmara,waxaana bilo ka hor aan suuragal ahayn in labadan Nin ay kulmaan.

Bishii August ee Sanadkii hore ayey dowladda Itoobiya oo uu Ra’isalwasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn,waxaa ay Dowladda Soomaaliya ka heshay C/Qariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Ururka ONLF.

https://pbs.twimg.com/media/

Arrintaas oo aad u gilgishay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana shacabka Soomaaliyeed si weyn uga caroodeen.

7 bilood kaddibna waxaa is casilay Ra’isalwasaare Hailemariam Desalegn,waxaana beddelay Abiye Axmed oo la heshiiyay dhamaan Ururradii Mucaaridka oo uu ka mid yahay Ururka ONLF,waxaana la sii daayay Qalbi Dhagax,iyada oo Afhayeenka ONLF iyo Wafddi la socdana ay Adis ababa heshiis kula gaareen dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.

Mustaqbal media

Read Previous

Al-Sulaiti meets with Somalia minister

Read Next

Xil. Cabdullaahi Sh.Ismaaciil “Go’aankii Dowlad Goboleedyada waxa uu saameynayaa Doorashada Qof iyo Cod ah”.