Maxaa diirada lagu saaraya Shirka Golaha Wadashiga ee maanta furmaya?

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada qaar, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madax ka tirsan Dowlad Goboleedyada ay durbaba soo gaareen caasimadda si ay uga qeybgalaan shirka.

Qodobbada ugu muhiimsan ee la filayo in laga doodo waxaa ka mid ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo qabanqaabada doorashooyinka golaha deegaanka oo loo qorsheeyay dhammaadka bisha Juun ee soo socota.

Shirka ayaan waxaa ka maqnaan doona madaxda Puntland iyo Jubbaland, inkasta oo markan si rasmi ah loogu casuumay Maamulka SSC-Khaatumo.

Waxaa la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed rasmi ah oo lagu muujin doono waxyaabaha lagu heshiiyay iyo jiheynta Doorashada.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Howlgalka soo saarista Shidaalka Soomaaliya oo maraya meel gabogabo ah

Read Next

Trump oo sheegay inuu ka xumaaday diidmada Mexico ee in dalkaasi la geeyo Ciidan Mareykan ah