Labo ruux oo lagu dilay gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa sheegaya  halkaas lagu dilay laba nin oo rayid ah, kuwaas oo mid ka mid ah la sheegay inuu ahaa maamulihii shirkadda isgaarsiinta Golis ee degmada, laguna magacaabi jiray Burhaan Xaashi, halka ninka kale uu ahaa ganacsade deegaanka ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha degmada, waxaana la sheegay in falkaasi uu la xiriiro aano qabiil, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin faahfaahinta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdada.

Hay’adaha Amniga ee Puntland ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah la bilaabay, iyadoo weli aysan jirin cid si rasmi ah oo loo soo qabtay weerarka.

Xiisad ayaa laga dareemya degmada, iyadoo dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada dagaal halkaasi ka dhaca.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Yemen oo beenisay wararka sheegaya in safaaraddeeda Soomaaliya la iibinayo

Read Next

Ciidamada dowladda oo howlgal ka dhan ah AS ka fuliyey gobolka Shabeellada Hoose