Ciidamada dowladda oo howlgal ka dhan ah AS ka fuliyey gobolka Shabeellada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada kooxda AS.

Howlgalka oo si gaar ah ay u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo garab ka helaya ciidanka Booliiska degmada.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay jnta u dhaxeysa deegaannada Leego iyo Yaaqbari Wayne ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay sheegeen in ay ku burburiyeen saldhigyo ay AS u adeegsan jireen qorsheynta weerarada.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in laga hortagay weerarro la qorsheynayay, isla markaana lagu raad joogo xubno ka tirsan AS.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay uga hortagayaan weerarada AS.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Labo ruux oo lagu dilay gobolka Mudug

Read Next

Duqeyn ay Mareykanku ka fuliyeen caasimadda Yemen oo sababtay dhimasho iyo dhaawac