Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa habiinimaddii ciidda gogol uusan xafiiskiisu faahfaahin sida loo agaasimayo, cidda ka qeyb galaysa iyo waqtiga la qabanayo u fidiyay waxa uu ku tilmaamay ‘siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada‘ si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhisamaha dowlad casri ah.
Gogosha uu fidiyay Madaxweynaha waxay soo dhaweyn ballaaran ka heshay siyaasiyiin dhawr ah oo kasoo horjeeda hannaanka uu dalka ku hoggaaminayo, inkasta oo qaarkood sheegeen inay si taxadar leh uga dhowrsugayaan qaabka uu madaxwaynuhu u maareeyo gogoshan marka laga reebo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, iyo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo si shuruud la’aan ah u taageeray gogosha madaxwaynaha.
Madaxweynaha Maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo salaadda ciidda la hadlay shacabka Kismaayo ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo gogasha uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wax falcelin ah ka samayn gogosha madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumaddiisa sheegay in maamulka Puntland aysan diyaar u ahayn ka qeyb galka gogosha Madaxweynaha, isaga oo ku sababeeyey in ay ku jiraan dagaal.
Lama hubo isbadallada ku imaan doona go’aannada ay qaateen madaxdaan, oo hadda la rumaysan yahay in ay yihiin mas’uuliyiinta cadaadiska xooggan kala kulma dowladd Federaalka Soomaaliya tan iyo markii la qaatay nidaamka federaalka.
Mustaqbal
