Ciidanka Suudaan oo si buuxda u qabsaday Magaalada Khartuum

Militariga Suudaan ayaa si buuxda u qabsaday Magaalada Khartuum ee Caasimadda u ah Dalkaas, kooxda gurmadka degdega ah ee RSF ayaa laga saaray Magaaladaan oo ay ka dagaalameysay labadii sano lasoo dhaafay.

Kooxda Dacmu sariic ee loosoo gaabiyo (RSF) ayaa garab ka heleysay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, waxa ay damacday April 2023 in ay afgambiso Ciidanka Militariga ah ee xukunkii Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf xooggan oo kooxdaas soo kala dhex galay, waa tan keentay in awooddeeda sii dhuntay, dhowaan waxaa gacanteeda ka baxay Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha iyo meelo kale oo ay heysata ama qayb ka joogtay.

Dowladda Suudaan ayaa kol hore diiday wadahadalkii ay rabtay Kooxda RSF ee xabbad-joojinta lagu dhalin rabay sabab la xiriira in ay ka xoog badan tahay kooxdaan, waxa ay ku goodisay in ay dalka ka saari doonto.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Dhul gariir cabirkiisu gaaraya 7.7 Magnitude oo ku dhuftay Myanmar, Thailand, Bangladesh & China

Read Next

Sacuudiga oo baaraya gacan qaad ka dhacay Masjidka Nabiga NNKH