Magaalada Dhuusamareeb Gobolka Galgaduud waxaa lagu dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dowladaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Galmudug si marka la dhiso kaddib ugu shaqeyso.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa dhagax dhigay xaruntaan, waxa ay soo jeediyeen in laga shaqeeyo dhismaha xarumaha danta guud ah.
Dhagaxdhigga waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboledka Galmudug, waxa ay xubnahaas bogaadiyeen dhismaha lagu sameynayo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wasaaradda xarunta loo dhisayo ee Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ballanqaadday in ay ku shaqeyn doonto xaruntaas marka lasoo gabagabeeyo dhismaha lagu billaabayo sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
