Ciidamada Nabad Sugida iyo Siroonka Qaranka Somaliya ee NISA, Waxey sheegeen iney Xalay gacanta ku soo dhigeen xubin kamid ah Shabaab.
Howlgal laga sameeyay Ex-Control, ayey ku sheegeen in lagu soo qbatay mid kamid ah dagaalamayaasha Shabaab, ninka la soo qbatay xiligaasi waxa uu diyaarinayay qarax lagu dhibaateeyo Shacabka sida NISA sheegtay.
Qoraal kooban oo la soo dhigay Twitterka NISA, ayey ku sheegeen in howlgalka guuleystay, wax kahsaare ahna aaney ka dhalan.
NISA, ayaa shacabka ka dalbatay iney kaalin ka geystaan sidii laamaha amniga loo garab istaagi lahaa, Qoraalka NISA laguma sheegin in Ninka laga soo qbatay Ex-Control Afgooye ama Balcad.
Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin AS ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena.
— NISA (@HSNQ_NISA) October 15, 2018
