Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar waxaa wafdiga Kheyre kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu dhagax dhigayo Mashariic laga hirgelinayo Magaalada Jowhar.

Waxa kamid ah Goobaha uu dhagax dhigayo: Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Hir-Shabeelle, Wadada isku xirta Magaalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas iyo kuwo kale.

Ammaanka Magaalada ayaa adkeeyay, waxana Gaadiidka loo diiday in ay isticmaalaan Wadada u dhaxeyso Madaxtooyada Hir-Shabeelle iyo Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo ay marayaan wafdiga.

Waxaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Magaalada Jowhar kaga sii horeeyay Ciidamo katirsan Dowladda oo Muqdisho laga qaaday.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Read Next

Lionel Messi oo lagu wado inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Barcelona.