Booliiska Koofur Galbeed oo qabtay Rag ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameeyeen Xaafadda Horseed ay kusoo qabteen Rag Hubeysan.

Saraakiisha Ammaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Ragga la qabtay ay katiran yihiin Al-Shabaab, Hay’adaha ammaankane ay Baaritaano dheeraad ah ku wadaan.

Ciidamada ayaa galay guri ay ku sugnaayeen labada qof ay soo qabteen, waxayna saraakiisha intaa ku dareen in ay wateen Bastoolado.

Howlgalkaan ayaa kusoo Beegmaya xilli Xalay Magaalada Baydhabo ay ka dhaceen Qaraxyo Mataano ahaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 30.

Ciidamada Booliiska ayaa kordhiyay howlgalada Baaritaanada oo ay sheegeen Saraakiishooda in ay ku sugayaan ammaanka, si ay kaga hor tagaan Weeraro kale.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in Bisha Soo socota November 17-keeda ay marti geliso Doorasho ay ku tartami doonaan Siyaasiyiin iyo xubno Mudooyinkaan soo bandhigayay Loolankooda Doorashada.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Marko ka dalbaday in ay gacan siiyaan Ciidamada Dowladda. (Sawirro)

Read Next

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku Wajahan Magaalada Jowhar.