Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Masar maxamed Salah ayaa lasoo sheegaya inuu dhaawac soo gaaray.
Mohamed salah ayaa dhaliyay gool qurux badan kulankii uu xulkiisu guusha 4/1 ah ka gaaray xulka Swaziland kulan ka tirsan is reeb-reebka qaarada Africa.
Salah ayaa dhaawacmay daqiiqadii 88-aad ee daqiiqadihii ugu dambeeyay kulanka isaga oo dhamaysan kari waayay ciyaarta kana baxay kadib markii uu tababaraha Egypt dhamaystiray badalkiisii 3-aad.
Dhaawaca soo gaaray salah ayaa u muuqday mid muruqa ah isaga oo garoonka ka baxay isaga oo is haya muruqa inkasta oo uu isku dayay in uu ku soo laabto ciyaarta.
Dhawacan ayaa imaya wakhti uu xiddigu qaab ciyaareed liita ku jiro kooxdiisa Liverpool kaas oo uu kaliya 3 gool u dhaliyay ilaa haatan tatrmada oo dhan.
