Arsene Wenger oo shaqo cusub ka bilaabaya horyaalka France.

Tababarihii ore ee Arsenal Arsenal Winger ayaa markan qabanaya shaqada mid ka mid ah kooxda ka ciyaara horyaalka France.

Tababaraha reer France ayaa lagu wadaa inuu jago saro ka qabto kooxda PSG maadaama uu sii kordhayo isku dhaca ka dhaxeeya Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda reer France Antero Henrique iyo tababare Thomas Tuchel.

PSG ayaa si waali ah ku bilaabatay horyaalka Fransiiska iyadoona wada adkaatay dhammaan 9-kii kulan ay ciyaartay balse Marca ayaa warineysa in Wenger uu ku sii dhawaanayo inuu helo shaqadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu katagay Arsenal.

PSG ayaa Ligue 1 ka dhalisay 32-gool iyadoona laga dhaliyay lix gool oo qura waxaana gool dhalinta hor kacaya xiddigaheeda Neymar iyo Mbappe, halka Champions League ay ku furatay guul daro balse ay lix ku badisay kulankii labaad.

Tan iyo bishii Sebtember ayaa la sheegayaa inay qoorta iskula jireen labadan shaqsi  kaddib markii ay kooxdu ku guul darreysatay suuqii xagaaga inay keento xiddigo qadka dhexe ka ciyaara oo uu doonayay tababare Thomas Tuchel.

Wargeyska Marca  ayaa aaminsan in Wenger uu PSG ka qaban doono xil ka sarreeya Agaasimaha Ciyaaraha oo waxaa lagu wadaa inuu qabto xil ku dhow Guddoomiyaha kooxda ee Nasser Al-Khelaifi.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaaray.

Read Next

Real Madrid oo dib uso celisay xiisaha ay u qabto Raheem Sterling.