Sida Mustaqbal Radio ay u sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb waxa ay Mooshin ka Gudbiyeen Madaxweyne Xaaf.
Mooshinka ayaa ka dhashay kadib markii la isku khilaafay Magacaabista Golaha Wasiirada oo lagu saleynayo Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay wada galeen.
Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa Mustaqbal u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu Mushaar Siiyay Xildhibaano Kooban.
Xildhibaanada ayaa Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xaaf u Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, si Codka Kalsoonida loogu qaado.
Tirada Xildhibaanada Mooshinka Gudbisay ayaa la sheegayaa in ay ku dhow yihiin 60-Xildhibaan, waxaana soconaya kulamo u dhaxeeya Xildhibaaanada.
Arrintaan ayaa u muuqata in ay Khilaaf horleh ka dhex abuureyso Maamulka Galmudug oo horay labo garab ugu kala jabay.
La soco wixii kasoo Kordha.
