Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Dowladda Ingiiska ayaa ka qayb qaadaneysa dib usoo celinta Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.
Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika Harriett Baldwin ayaa saacado kooban isku martay Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa si ay Madaxda labada dhinac kala hadasho Muhiimadda Wada hadalka.
Harriett ayaa kulamo la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay labada dhinac kala hadashay dib u soo celinta wadahadalka oo ay garwadeyn ka noqoto Xukuumadda UK.
Labada dhinac ay la kulantay ayaa kala sheegay in Haweeneyda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika ay lacago ugu deeqday si Mashaariic kala duwan loogu fuliyo.
3-dii Bishaan warar soo baxay waxa ay sheegayeen in Magaalada Nairobi ay ku kulmeen Safiirada Dowladaha Holland iyo Dernmar oo dhinac iyo Wakiilka Somaliland ee Magaaladaasi.
Waxyaabaha ay kawada hadleen ayaa intooda badan quseeyay dib u soo celinta wadahadaladii u socday Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maadama uu hakad galay 2016-kii, kadib markii labada dhinac ay galaan Loolan Doorasho iyo Isbadal cusub.
UK ayaa u muuqata in ay dooneyso in Dalalka Doonaya martigelinta Wadahadalkaan ay ka afduubato si ay ugu dambeyn gogosha u dhigto Magaalada London.
