Muxuu ku saabsanyahay kulanka golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ka mid ah kuwooda cadiga ah.

Kulanka maanta ayaa waxaa ay Xildhibaannada aqrinta 1aad marinayaan Hindise shacriyeedka dib u eegista xeerka Hanti dhowrka.

Xildhibaannada ayaa kulankoodii kan ka horreeyay waxaa hortagay Wasiirka Wasaaradda howlaha guud,waxaana uu ku hor aqriyay xeerka naqshadeynta Magaalooyinka.

Xildhibaannada ayaa aqrinta 1aad mariyay sharcigaas,waxaana xigi doona ilaa labo aqrin oo kale waxaana ay kaddib gelin doonaan codka si loo meel mariyo.

Mustaqbal media

Read Previous

UK oo qorsheyneysa dib usoo Celinta Wadahadalka D. Federaalka iyo Somaliland.

Read Next

Sidee u shaqeeyaan safaaradaha ku soo badanaya Soomaaliya?