Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil loo geystay afar qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo Habeen hore lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qoraal lagu daabacay barta ay leedahay Kooxdaas ee Acmaaq ayaa lagu sheegay in afar Nin oo Itoobiyaan ah ay ku dileen Boosaaso.
Daacish ayaa sheegtay in dadkaasi Itoobiyaanka ah ay ka mid ahaayeen kuwa Tahriibka u tagay Boosaaso.
Saraakiisha Ciidanka amaanka Maamulka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegay in ay ku daba jiraan kooxda dilka geysatay.
Daacish ayaa dhowr jeer sheegatay dilal loo geystay dad Soomaali ah oo ka dhacay degaannada Maamulka Puntland, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.
