Ramsey oo ku wajahan horyaalka Spain, yuu ku biirayaa?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Ramsey ayaa 10kii sanno ee u danbeysay ku qaatay Emirates Stadium, lakiin waxa uu u muuqdaa in xiddiga reer Wales inuu ka tagi doono Gunners xagaaga soo socda ka dib markii qandaraas cusub kooxda ay siin weeysay.

27-jirkaan ayaa kooxo kala duwan dalab ka helaya waxaana ka mid ah kooxaha reer Ingiriis, Liverpool Man United iyo Chelsea oo dhamaan xiddigan xiiseynaya.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay TEAMtalk, Real ayaa u aragto Ramsey inuu yahay bedelka mustaqbalka dheer ee Toni Kroos ama Luka Modric, kaasoo mustaqbalkiisa aan weli la hubin isago si wayn loola xiriiriyay Inter Milan suuqii xagaaga.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in xiddiga heerka caalami ee xulka qaranka Wales Ramsey, Gareth Bale la weydiiyay ciyaaryahanka ka hor inta uusan dalab ka helin bilaha soo socda.

Ramsey ayaa loo ogol yahay inuu heshiis u saxiixi karo kooxda uu doorto bolowga sanadka 2019.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Qof ismiidaamiyay oo 13 qof ku dilay Afghanistan

Read Next

Xiddigaha u Tartamaya Abaalmarinta Golden Boy oo lasoo saaray.