Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile.
Kulankooda labada geesoodka ahaa ayay ugu wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka wada dhaxeeyo Labada Booliis ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Danjire Carlo ayaa sheegay in uu Wakiil Dowladda Talyaaniga ugu yahay Soomaaliya, Mas’uuliyadda saaranne ay qayb ka tahay Xoojinta Xiriirka Labada dal.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay ka garabsiiyaan Dhismaha Ciidamada Booliiska.
Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Carlo Campanile ayaa ballan qaaday in Dowladdiisa ay kordhin doonto taageerada dib loogu dhisayo Ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Saraakiil ka socota Dowladda Talyaaniga, kuna howlgalka Magaca Ururuka Midowga Yurub ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, isaga oo tababar siiyaa Ciidamada Dowladda Federalka.




