Mareykanka oo Sheegay in uu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, Ciidamada Kumaandooska Mareykanka oo kaashanaya kuwo Soomaali ah oo la shaqeeyo ayaa duqeyn ka geysteen Deegaano ku yaalla Koofurta Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno katirsan Shabaab in lagu dilay Saddex Xubnood oo katirsan Xarakada.

“Howlgal dhanka cirka ah ciidamadeena oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya ay fuliyeen ayaa lagu dilay Saddex katirsan Al Shabaab, howlgalka wuxuu ka dhacay deegaan qiyaas ahaan 40-KM dhanka Koofur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri war-saxafadeedka AFRICOM.

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale sheegay baaritaano ay sameeyeen kadib in ay ku ogaadeen in aan jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

Warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya AMISOM iyo Dowladda federaalka ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tan iyo Markii uu Xilka Madaxweynaha Mareykanka la wareegay Donald Trump 20-kii Janaayo sanadkii tagay ee 2017, waxa kordhay duqeymaha Ciidamadiisa ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Marka la eego tiro ahaan waxa uu muddo kooban kaga saramaray, Duqeymihii uu amarkiisa lahaa Madaxweynihii xilkaan kaga horeeyay ee Barack Obama.

Mustaqbal media

Read Previous

Dabageed “Ciddii Shabaab u xukun tagta, dib naguma soo laaban doonto”.

Read Next

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo kawada hadlay Xoojinta labada Booliis. Sawirro.