Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya
Naadiga Man City ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka Caraboa cup-ka kadib markii ay guul ka gaartay kooxda Oxford United kulan ka dhacay garoonka Kassam Stadium.
Tababare Pep Guardiola ayaa ku soo galay kulanka shax kayd u badan isaga oo xiddigo badan oo muhiim ah u nasiyay kulamada soo socda ee ay kooxdiisu ciyaari doont.
Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Man city maamulaysay laakiin ay ku adkayd in ay dhaafto daafaca adag ee ay dhigatay kooxda Oxford kuwaas oo u diiday in ay shabaqooda soo taabtaan.
Dhanka kale kooxda Oxford ayaa qaadaysya weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Man city kaga dhaliyaan goolasha kulanka si ay City uga yaabsadaan.
Daqiiqadii 34-aad ayay Kooxda Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Gabriel Jesus kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Man city kulanka hogaaminaysay qaab ciyaareed ahaan iyo waliba natiijo ahaan halka Oxford ay heshay fursado yar laakiin aan wax gool ah u badalin.
Qaybtii dambe ayey Man city halkeedii ka bilowday raadinta goolasha iyaga oo qaadayaya weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ku dhaliyaan goolal.
City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka 2-aad laakiin nasiib daro iyo daafac adag oo ay kooxda Oxford dhigatay goolkeeda hortiisa ayaa wiilasha Guardiola u diiday in ay goolal badan ka dhaliyaan kulanka.
Kadib dadaal badan Man city ayaa dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo goolka dhaliyay daqiiqadii 78-aad.
Da,yarka Phil Foden ayaa daqiiqadii ugu dambaysay Man city u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/0 ay kooxdiisa Man City guul ku gaartay.
