MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegeen guddiga madaxa Bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ugu hambalyeeyay Burhaan Aadan Cumar Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka oo maanta xilka la wareegay, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu xubnaha guddiga iyo kuwii horaba ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub si loo dhamaystiro qabyo qoraalka Dastuurka oo muddo dheer qaatay.
Munaasabadda Xilwareejinta waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin, Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Sanatarro Xildhibaanno, Xoghayayaasha labada Gole ee baarlamaanka, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka iyo Xoghaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 21 March 2023-ka saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
Guddiga ayaa ka kooban shan xubnood kuwaas oo kala ah:-
- Burhaan Aadan Cumar Gudoomiye
- Axmed Maxamed Jaamac
- Maxamed Cabdalla Saalax
- Farxiyo Muumin Cali
- Maxamed Xasan Idiris
Haddaba maxaa ka naqaanaa Guddiga uddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka:-
1.Farxiya Muumin Cali
Waxa ay ku dhalatay Magaalada Muqdisho, iyada oo ku soo biirtay dunida 2-dii February 1968-kii, Waxbarashadeeda waxa ay ku qaadatay dalka, 1991-1993-kii Heerka koowaad ee Jaamacadda ayay ka diyaarisay kuliyadda Dhaqaalaha gaar ahaa Suuq geynta, Faculty of economics (marketing), iyada oo ka baxday Jaamacadda Ankara ee Turkey.
2004-2007-kii ayay diyaarisay Bachelor Social Work, iyada oo ka diyaarisay The Hague University of Applied Sciences. 2008-2010-kii waxa ay qaadatay shahaadada Project Management and Senior Management of ICM courses & Training.
2017-2022-kii Farxiyo Muumin ayaa ka mid ahayd Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyada. Waxa ay ku hadashaa luqadaha Soomaali, English iyo Dutch.
- Burhaan Aadan Cumar
2003 – 2008-kii heerka koowaad ee Jaamacadda ayuu ka diyaariyay Bachelor of Arts (B.A) iyo Bachelor Degree of Law isaga oo ka qaatay International Islamic University Islamabad, isla Jaamacaddaas ayuu 2009-2010-kii ka diyaariyay heerka labaad ee Jaamacadda, waxa uuna ku taqasusay Qaanuun ama Master of Law.
Sanadkii 2020-kii ayuu darajada Saddexaad ee waxbarashada ka qaatay University of Peace (United Nations Mandated University), waxa uun aqaatay PhD in Peace, Governance and Development. Waxa uu ku hadlaa luqadaha English, Arabic, Soomaali iyo Urdu.
- Axmed Maxamuud Jaamac
Sanadkii 1989-kii ayuu dunida ku soo biiray, sida ku xusan Cv-giisa 2009- 2019-kii ayuu Jaamacadda Hargeysa ka diyaariyay Bachelor of science in Information Technology, Magaalooyinka Haregysa, Burco iyo Barbara ayuu shaqooyin gaar ah ka soo qabtay.
- Maxamed Xasan Idiris
1982-kii ayuu ku dashay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, 2017-2022 ayuu ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxa uu ka soo shaqeeyay shaqooyin caadi ah, isaga oo waqti badan ku maqnaa dalka dibaddiisa, hadda waa la taliyaha Amniga iyo Siyaasadda ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. waxa uu ku hadlaa luqadaha English, Dutch, swahili Araband Somali.
- Maxamed Cabdullaahi Saalax
Shahaadooyinka Waxbarashada uu heysto ayaa kala ah: Master in International Law, Master in civil law, Diploma in Conflict resolution and Management iyo Graduated from faculty of law of the National University of Somalia. Waxa uu ku hadlaa luqadaha Soomaali, English, Carabi, Italian iyo Kiswahili.
Mustaqbal
