Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay Degmada Wisil ee Gobalka Mudug.
Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudugoo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay “Shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Bulshada Wisil la wadaagay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono. Ka dib markii todobaadkaan Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas ay u aqoonsadeen Degmo ka tirsan Galmudug.
Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo booqasho ku jooga halkaas ayaa ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.
Mustaqbal
