MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Guddiga Hirgelinta Doorashoooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa soo gudbiyay habraaca Doorashada 4 kursi oo kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135.
Kuraastaan oo Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la dooranayaa 14ka Maarso 2022 oo ku beegan Maalinta Isniinta todobaadkaan sida uu sheegay in SEIT Hir-Shabeelle.
4-taan kursi ayuu horay u shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle balse waxaa suurageli waayay in waqtigoodu lagu qabto uu ku cudur daartay Guddigaan.
Kuraastaan yaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad ee JFS?
HOP#004: Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.
HOP#011: Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya.
HOP#063: Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS.
HOP#135: Aamina Maxamed Cabdi.

Waqtiga loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo Doorashada Xildhibaannada dhiman ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad waxaa ka harsan 3 cisho (15-Maar-2022), Dowlad-Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan waqtigaas.
Mustaqbal
