Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Sida lagu xusay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Kismaayo oo 4-8-Sep-2018 uga socday magaaladaas madaxda dowlad-goboleedyada wasaaradda dastuurku DFS waxa ay ka weecisay guddiyada dastuurka shaqadoodii loo igmaday, iyada oo si aan xeerka iyo dastuurka waafaqsanay u maareysay arrimaha dastuurka.
War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in tallaabadaasi ay saameyn aan wanaagsanayn ay ku yeelan doonto ogolaanshaha xeerarka iyo sharciyada soo baxa kahor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil ayaa dhowaan guddiyada dastuurku waxa ay ku eedeeyaan in uu si keligi-talisnimo ah u maamulayo howsha dastuurka oo kala dhexeysa guddiyada labada aqal u qabailsan dib u eegidda dastuurka.
Wasaaradda Dastuurku waxa ay kamid tahay wasaaradaha duruuftu keentay ee aan kamidka ahayn wasaaradaha dowladda, waxaana ay ku egtahay jiritaan ahaan inta howsha dastuurka ka soo afjarmeyso ayna dhismayaan guddiyada iyo maxkamadda dastuurigu
